News, Somali News

Banaanbaxyo ka socda Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Jubba

1 of 1 Banaanbaxyo ka socda Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Jubba
653 Views Date January 26th, 2014 time 9:24 am

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda hoose, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka.

Dadka Banaanbaxa samaynaaya ayaa isugu tagay Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo oo ku yaala magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku dhagaysanayaan khudbado kala gedisan oo ay jeedinayaan qaar ka mid ah Madaxda  maamulka Jubba.

 

Waxaa sidoo kale banaanbaxyo hada ka socdaan Deegaanada Dhoobleey, Afmadoow, Qooqaani iyo Taabto oo dhamaan ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose oo uu ka arimiyo Maamul Goboleedka Jubba.

 

 

Banaanbaxaan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inay tahay in la muujiyo sida looga soo horjeedo in ciidamada Kenya ka baxaan Magaalada Kismaayo, xilli maalmahan dambe ay soo baxayeen warar ku aadan in ciidamada Kenya ee Jubbooyinka lagu bedelayo kuwa Sierria Leon ee Kismaayo ku sugan.

 

Dhanka kale wararku waxay sheegayaan in ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkaayaa ciidamo maamulka Jubba ka tirsan.kismayo


Contact US / NALA SOO XIRIIR