News, Somali News

Barakacayaal dib ugu laabtay Tuulooyin ay markii hore ka soo barakaceen.

1 of 1 Barakacayaal dib ugu laabtay Tuulooyin ay markii hore ka soo barakaceen.
536 Views Date January 26th, 2014 time 11:21 am

Kumannaan qoysas ah oo hore uga barakacay tuulooyin dhaca bariga degmada Jowhar kuna teedsan Webiga ayaa maanta dib ugu laabtay toolooyinkoodii ay hore uga carareen colaadaha, kadib markii la soo afjaray colaaddii sababay barakaca dadkaasi.

Dib u dejinta qoysaskaan ayaa waxaa gacan ka geysanaya maamulka Gobolka Shabeelada dhexe, waxaana dadkan dib ay ugu noqonayaan tuulooyinkii ay colaada uga carareen.

Soo noqoshada dadkan ayaa  sabab u ah heshiis rasmi ah oo la kala dhax dhigay beelihii ku dagaalamay Bariga Jowhar, waxaana qoysaskan ay xaqiiqsadeen in heshiis buuxa laga gaaray colaadii ka dhacday Halkaas.

Gargaar isugu jira raashin, daawo iyo agabyo kale ayaa maanta loo qeybiyay lix tuulo oo ka mid ah tuulooyinka ay qoysaskana dib ugu soo laabteen.

Barakacayaal


Contact US / NALA SOO XIRIIR