Ciyaaraha

Barcelona oo Kadhigtay Lionel Messi Ciyaartoyga ugu Mushaharka badan Aduunka

1 of 1 Barcelona oo Kadhigtay Lionel Messi Ciyaartoyga ugu Mushaharka badan Aduunka
946 Views Date January 26th, 2014 time 8:21 am

Barcelona ayaa qandaraas cusub ka saxiixan doonta Lionel Messi mustaqbalka dhow, iyadoo mushaar ahaan laga sarre marin doono Cristiano Ronaldo.

Wargeyska Marca ayaa sheegaya inuu madaxweynaha cusub ee kooxda Josep Maria Bartomeu soo afjari doono heshiiska mudada dheer laga wadahadlayey ee Messi.

Heshiiskaan ayaa lagu arki doonaa Messi oo qaadanaya 13 milyan oo euros kuna dhowaanaya heshiiska Ronaldo uu ku qaato 18 milyan oo euros. Messi ayaana qandaraaskiisa haatan ku qaata 3 milyan oo euros oo gunno ah, sida Ronaldo.

Aabaha dhalay Messi ahna wakiilkiisa ayaa horayba heshiis ula gaaray madaxweynihii Isbuucaan kooxda iska casilay Sandro Rosell. Marca ayaana sheegeysa in markii hore ay Barca heshiiskaan dib ugu dhigtay qandaraas kordhintii Andres Iniesta oo u aheyd mudnaanta koowaad.

Iyadoo heshiiskaas la dhameeyey bishii December qandaraaska cusub ee Messi ayaa la rajeynayaa in la dhameystiri doono ka hor kulanka Champions League ay bisha February ku wajahayaan Manchester City.318739_heroa1


Contact US / NALA SOO XIRIIR