Ciyaaraha

Chelsea oo Doonaysa inay Heshiis La Gaarto Goolal Dhaliyaha Atletico Madrid Diego cost

1 of 1 Chelsea oo Doonaysa inay Heshiis La Gaarto Goolal Dhaliyaha Atletico Madrid Diego cost
601 Views Date January 26th, 2014 time 8:18 am

Diego Costa celebrates his winnerChelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis aan toos aheyn oo ay xagaaga kula soo saxiixaneyso la gaartay weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Diego Costa.

25 jirka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa kasoo dhex bidhaamay horyaalka Spain xilli ciyaareedkaan, isagoo dhaliyey 23 gool 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxaha sarre ee Yurub, oo ay ku jirto Chelsea, kuwaas oo la fahamsan yahay inay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka baadi goobayaan weeraryahan cusub.

Wakiilka kubadda cagta Francois Gallardo ayaa wargeyska Spain kasoo baxa ee La Sexta u sheegay inay Chelsea isku diyaarineyso inay 32 milyan oo ginni ku burburiso qandaraaska Costa.

Gallardo ayaa sidoo kale xaqiijiyey in heshiiskaan aan rasmiga aheyn uu weeraryahanka ku hugaamin karo inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge ka hor xilli ciyaareedka soo aadan.Diego Costa celebrates his winner


Contact US / NALA SOO XIRIIR