News, Somali News

Faysal Cali Waraabe oo si kulul uga jawaabay Hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya

1 of 1 Faysal Cali Waraabe oo si kulul uga jawaabay Hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya
614 Views Date January 26th, 2014 time 9:42 am

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in ay aqoonsanayaan Maamulka Khaatumo.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya hadii uu aqoonsan yahay Maamulka Khaatumo, iyaguna hadii ay yihiin Soomaaliland ay aqoonsanayaan Gobalka Shabeelaha hoose .

”Xasan Sheekow Waxaan kuu sheegayaa hadaad Khaatumo aad aqoonsato anaguna waxaan aqoonsan doonaan Gobolka Sh/Hoose ay dagan yihiin dadkii lahaa , Xasanow Hawiye Maamul u sameeyay Soomaaliya iyo Somaliland ma mideyn kartidee”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa imaanaya xili Dhawaan Madxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shaaciyay in ay aqoonsanayana hadii ay tashtaan Maamulna sameestaan dadka Reer Khaatumo.images


Contact US / NALA SOO XIRIIR