Caafimaadka

Lugaynta iyo Caafimaadka ay qofka uleedahay Q 1AAD

1 of 1 Lugaynta iyo Caafimaadka ay qofka uleedahay Q 1AAD
696 Views Date January 26th, 2014 time 8:28 am

Ku raaxeyso faa’iidooyinka badan ee
lugeynta ama socodku leeyahay
Lugeyntu waa hababka ugu sahlan ee dabiicigana
ah ee lagu jimicsado, oo markaa loogu biirin karo
nolol maalmeedkaaga sida ugu fudud marka loo eego
waxqabadyo kasta oo kale. Markaa ma aha wax lala yaabo
inay noqoto xarakaadka ugu caansan Ontario markay tahay
jimicsiga jirka.
Khuburaada caafimaadka ayaa isku raacday in 30 daqiiqo
oo dhakhso loo lugeeyaa maalintiiba, ama ugu yaraan 150
daqiiqo usbuucii kasta, ay horumar ku sameyneyso giddi
ahaan firfircoonida, caafimaadka iyo fayoobida maskaxda.
Waa kuwan faa’iidooyinka qaarkood ee la taaban karo:
• Lugeyntu maskaxda ayuu dib u firfircooneysiiyaa,
daalkana wuu naaqusaa oo tamartana wuu kordhiyaa.
• Waxa ka badan nus muruqyada jirka ayaa loo abuuray
socodka; waa dhaqdhaqaaq dabiici ah oo badiyaa runtii
ah waxyeello-la’aan.
• Lugeyntu waxay keentaa waqti lala wadaago dadka iyo
asxaabta iyo qoyska oo la dhexgalo.
• Lugeynta deg-degga ah ee joogtada ahi waxa u kaa
caawinyaa kaa ilaalinta ,yarenta halista, ama xakameynta
sonkorowga Nooca 2 (Type 2 diabetes), wadno xanuunka,
dhiig-karka, buurnaanta xadka dhaafsan iyo noocyo
badan oo kaansarka ka mid ah.
• Lugeyntu waxay xoojisaa lafaha oo ay ka hor-tagtaa ama
xakameysaa ostibiroosis (waa xaalad lafahu bururaan
ama jilicsanaadaan.
• Lugeyntu waxay dajisaa kurbada (istreeska) iyo iskubuuqa.
• Lugeynta joogtada ahi waxay kaa caawisaa inaad lahaato
miisaan caafimaad leh iyo isu-arag jir qumman, khaastan
marka lagu daro hab wax u cunitaan caafimaad leh.
• Lugeynta deg-degga lehi waxay tababbartaa wadnaha
iyo murquhu inay u shaqeeyaan si fiican.

Walking-Dog-300x199


Contact US / NALA SOO XIRIIR