Caafimaadka

Lugaynta iyo Caafimaadka ay qofka uleedahay Q 2AAD

1 of 1 Lugaynta iyo Caafimaadka ay qofka uleedahay Q 2AAD
1986 Views Date January 26th, 2014 time 8:31 am

U Soo baxa dibadda
Ugu yaraan 30 daqiiqo oo lugeyn deg-deg ah maalin
kasta ayaa aad uga wanaagsan iyada oo maalmo dhif ah
maalmaha ugu dambeeya usbuuca oo waxqabadyo aad
la iskugu wareeriyo. Ururka Kanada ee u qaabbilasan
Jimicsiga Jirka ayaa ku talineysa in 150 daqiiqo oo
waxqabadyo dhexdhexaad illaa firfircooni leh la qabto
usbuuc kasta.
Had iyo jeer la tasho dhakhtarkaaga inta aadan ku kicin
barnaamij jimicsi.
Raadso jidad kala duwan oo aad lugeyso oo markaa dooro
kuwa adiga xiisaha iyo badbaadada kuu leh, kuuna sahlan.
Waxa kuu habboon inaad ka fogaato meelaha baabuurta
ama dadku ku badan yihiin, dhulka aan isku sinnayn iyo
meelaha eydu aan lagu xakamayn surginta qoorta.
La lugee dad kale – wey ka guubaabin fiican tahay marka
kali ahaan la lugeeyo. Ka qayb-noqo naadi lugeynta ah: la
xiriir YMCA ama YWCA deegaankagaa ku yaal, ama waaxda
madaddaalada dawladda hoose ama unug caafimaadka
dadweyne sidii aad u heli lahyd koox. Ka codso qof
jaarkaaga ah ama xubin ka tirsan qoyskaaga inay kula
lugeeyaan.
U lugee si badaabo leh.
Ha gashan sameecaddamadaxa lagu dhageysto
(heedhfoon) bartamaha
magaalada – baabuurtu
ku badan tahay ee aad
u baahan tahay inaad
feejignaato. Habeenkii,
la lugee saaxiib oo ku
dul gasho dharkaaga
maro ilays noqod leh (si
baabuurtu u aragto)ama
gasho dhar si dhib-yar loo
arki karo. Qaado aqoonsi
iyo taleefanka gacanta
(ama qadaadiic lacag oo
aad ugu talagasho wicitaan
taleefan).
Dooro kabo lugeyska habboon. Marka aad lugeyneyso,
cagahaagu waxay dhulka ku dhacaan in ka badan 1,000
jeer kiloomiter kasta, marka sharaabaadyo raaxo leh iyo
kabo qaab wanaagsan loo sameeyay ama kabaha oradka
waa inaad isticmaashaa. Iibso kabaha lugeyska aad ugu
talagashay maalinta gabagabadeeda, oo ah markay cagtaadu
woxoogaa bararto. Labada kaboodba isku tijaabi oo ku soco
dukaanka dhexdiisa inta aadan iibsan.
Jirkaagu qoyaan ha ahaato (biyo ama waxa u dhigma cab).
Markay tahay cimilo maalmeedka kulul, dooro jid hoos leh
oo u lugee si ka deg-deg yar sida caadiga ah. Cab woxoogaa
biyo qabow ah inta aadan bixin oo soo qaado biyo, khaastan
haddii ayna jirin il biyaha laga cabbo jidka lugeynta. Iska
jir qoraxda kulul oo gasho koofiyad oo isticmaal wax kaa
ilaaliya qorraxda.
Markay qabowga tahay, iska jir meelaha barafka ku
xarkaksan oo ku lugee meelaha dabeysha ka dugsoon.
Dad badan ayaa jecel lugeynta “Moolka” ee meesha suuqa
wax laga iibsado ee dugsoon marka hawadu qabowdahay.
Xusuusnow, inaad u baahan tahay biyo aad cabto xilliga
qabowga, sida aad ugu baahan tahay xilliga kuleylka. Hubi
inaad horey ka soo qaadato dhalo biyo ah (waxa laga yaabaa
in ilaha biyaha laga cabbo la xiro).
Dharka u lebbiso sida ugu habboon hawadu siday tahay
maalintaas, adiga oo gashanaya dhar
faalal raaxo leh oo ka samysan
xarqado jilicsan oo ay ka midka
yihiin dun, suuf ama nayloon laga
neefsan karo. Marka hawadu
qabowga tahay, ka feejignow
xaalladda dabayl-qabowga
(wind-chill factor). Dharka
iskaga kor dul gasho si aad
iskaga saarto ama dharka
u gasho kolba sida aad
u dareento kuleylka.
Gasho waxa gacamha la
gashado (mittens) oo
ku dabool madaxaaga
iyo dhagahaaga
koofiyad.Walking-Dog-300x199


Contact US / NALA SOO XIRIIR