News, Somali News

Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu Booqan doono Magaalada Kismaayo

1 of 1 Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu Booqan doono Magaalada Kismaayo
553 Views Date January 26th, 2014 time 11:30 am

Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu dhawaan booqan doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Waxa uu sheegay Dr. Gaas inuu u tegayo magaalada Kismaayo  sidii  uu uxoojin lahaa  xiriirka wadashaqeyneed ee kala dhaxeeya Maamulka KMG ee  uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

“Dhowaan baan rajeynayaa inaan soo siyaarto Kismaayo, si aan u xoojiyo xiriirka iyo midnimada Puntland iyo Jubaland”ayuu yiri madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Gaas wuxuu ka sheegay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe, xilli shalay halkaasi laga sagootinaye Madaxweynaha KMG ee Jubba oo kaqeybgalay xaflada caleemo saarka hogaanka maamulka Puntland.

madaxweyne-gaas


Contact US / NALA SOO XIRIIR