Arimaha Bulshada

Ruuxii dunnida ugu faca weynaa oo geeriyooday

1 of 1 Ruuxii dunnida ugu faca weynaa oo geeriyooday
585 Views Date January 26th, 2014 time 9:50 am

Waxaa la rumeysan yahay in Mubaarak Raxmaani uu ahaa qof Adduunka ugu da’da weynaa inuu geeriyooday taasi oo warbixino badan warbaahinada caalamka ay ka qorayeen saacadihii lasoo dhaafay.

Ninkaan oo udhashay dalka Al Jeeriya (Algeria) waxaana uu ku dhintay da’da 130 sano jirka iyadoo la tilmaamayo inuu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Wuqooyiga Africa ku yaalla ee Al Jeeriya.

Raxmaani ayaa ku dhashay sanadkii 1884-kii xaafada lama deggaanka lagu magacaabo oo ku taalla xadka ay wadaagaan Dalalka Libya iyo Al Jeeriya.

Dhaqaatiirta ayaa usheegay wargeysyada dalkaasi kasoo baxa in Raxmaani ay u ahayd markii labaad oo cusbitaal la dhigo tan iyo noloshiisii waxaana uu xanuun cusbitaal ugalo u ahayd markii labaad.

“Waxa uu sariir saarnaa cusbitaal gudihiisa kudhawaad labo sano,waxa uu geeriyooday Sabtigii,sidaa waxa sheegay dhaqtar la hadlay wargeysyada Al Jeeriya”.

Mubaaarak Raxmaani ayaa aad uxiiseyn jiray cunista Caanaha lasoo liso iyo raashinka la isku dar daro,shaaha bigeyska ah iyo Burka khamadiga ah,waxa loogu yeeri jiray magaalada “Adeer Mubaarak”.

Ninkaan adduunka ugu da’da weynaa ayaa waxay carruurtiisa gaarayaan 100 qof waxaana uu ahaan jiray Xoolo raac aan magaalada ku badneyn mudada uu noolaa.

562720095


Contact US / NALA SOO XIRIIR