Arimaha Bulshada

Xog cusub: siduu Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya u dilay Adeerkiis? (Arag yaabkan)

1 of 1 Xog cusub: siduu Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya u dilay Adeerkiis? (Arag yaabkan)
1177 Views Date January 26th, 2014 time 11:37 am

Wargeys China kasoo baxa ayaa Khamiistii faafiyay in Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong On uu Bishii hore Nin Adeerkiis ahaa u dilay qaab Fool xun oo Wargeysku uu ku tilmaamay sidii Waqtiyadii dhexe ee lasoo dhaafay Dadka loo dili jiray.

Isagoo Wargeysku sii sharaxaya ayuu sheegay in Ninka la dilay isagoo Dhar la’aan ah lagu riday Qafas ama Bir la daboolay oo aad u wayn,halkaas oo Koox Eeyo ah oo waliba aad Baahi loogu dilay loogusii riday, kuwaas oo qaab xun u cunay Ninkii.

Jariidada Wen Wei Po  oo Hong Kong kasoo baxda kuna hadasha Afka Dowladda China ayaa sheegtay in Eeyo 120 gaaraya oo 3 Maalmood aan wax Raashin ah la siin lagu riday Xeyn-daabka Birta ah ee Hogaamiyaha Koofurta Kuuriya Adeerkiis uu ku xirnaa.

Ciqaabta ceynkan ah waxaa loo yaqaan Ciqaabta liidata ee Eeyaha, waxaana la marsiiyaa Dadka Dilka lagu xukumo qaarkood ee Dalkaas.

Wargeyska oo Shabakadda Al-Carabiya Net ay Warbixintiisa soo tarjuntay ayaa wuxuu xusay in Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi qudhiisa uu eeganayay sida loo ciqaabayay Adeerkiis Tshang Song Tayk oo 67 jir ahaa.

timthumb.php


Contact US / NALA SOO XIRIIR