Somali News

Daawo Sawirada Madaxweyne Cabdi Wali Gaas oo qado sharaf u sameeyay Xubnaha Baarlamaanka ee Maamulka Puntland

1 of 1 Daawo Sawirada Madaxweyne Cabdi Wali Gaas oo qado sharaf u sameeyay Xubnaha Baarlamaanka ee Maamulka Puntland
394 Views Date January 27th, 2014 time 7:47 pm

Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qado sharaf ku casumay mudanayaasha Baarlmanka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar ayaa wehelinayay, waxana Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire uu ku soo dhoweeyay madaxweynaha golaha, isagoona uga mahadceshay qado sharfeedka uu qabtay.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn ka raaligeliyay mudanayaasha Baralamanka khaladad yar oo dhacay xiligii Xaflada Calemasaarku ay socotay 24-kii bishan Jan, waxana uu ka hor jeedshay golaha khudbad kooban oo uu uga hadlay ajandaha siyaasadeed ee xukuumadda uu soo dhisayo.

Shir wadatashi ah ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay in la qaban doono 100-ka maalmood ee ugu horeeya kaasi oo ah mid dib u heshiisiin oo beelaha Puntland danta guud uga hadli doonaan.

Dib u habaynta dhaqaalaha Puntland ayuu sidoo kale Prof. Cabdiweli Gaas sheegay in ugu horeyso meelaha ay bartilmaamsan doonaan qorshe hawleedka xukuumadda uu soo dhisayo.

Amniga iyo xasiloonida Puntland ayaa madaxweynuhu xusay in lagama maarmaan tahay adkeyntoodu, iyadoona tababar iyo tayayn loo samayn doono laamaha kala duwan ee amaanka ku hawlan.

‘’Amaankeenu waa suganyahay, Puntland waa ay fiicantahay balse waxa loo baahanyahay inaan sii adkeyno si markaasi horumarka kale aanu rabno uu noogu hirgalo’’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Xukuumadda uu soo dhisayo madaxweynuhu maalmaha inagu soo aadan ayuu ku tilmaamay mid lagu saleynayo baahida Puntland iyo sidii loo heli lahaa xukuumad ku shaqeysa himilooyinka Puntland.

Mudanayaasha ayaa su’aalo dhowr ah waydiiyay Madaxweynaha Khubdadiisa ka dib kuwaasi oo ku aadanaa qaabka ay u hawlgaleyso xukuumadda uu soo dhisayo madaxweynuhu.








 

 

 

 

 

 

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR