Somali News

Dr. C/Qaasim : “ Ciidan Ajaanib ah uma baahna Soomaaliya ee kuwa Soomaaliyeed..”

1 of 1 Dr. C/Qaasim : “ Ciidan Ajaanib ah uma baahna Soomaaliya ee kuwa Soomaaliyeed..”
512 Views Date January 27th, 2014 time 9:57 am

Madaxweynihii hore ee Somaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa  ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay sida uu u arko ku biiritaanka ciidamada Itoobiya howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay  in xilligaan aan loo baahneyn ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan kuwa AMISOM isagoo beesha caalamka ku eedeeyey inay diidan yihiin tayeenta ciidamada dawlada Soomaaliya si meesha looga saaro askarta shisheeye ee Somaliya jooga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay Xarakada Al-Shabaab inay ka laabtaan fekirka ah dagaalka ay u taagan yihiin mar walba isagoo sheegay in dhiig shacab badan ay soo daadiyeen hadda kadibna aan loo baahneyn sii socoshada dagaalo kale.

Qaasim


Contact US / NALA SOO XIRIIR