Arimaha Bulshada

Gurigaaga usoo dhuumo waa yaab!! (Dhacdo cajiib ah)

1 of 1 Gurigaaga usoo dhuumo waa yaab!! (Dhacdo cajiib ah)
762 Views Date January 27th, 2014 time 10:07 am

Maxkamad Shiinaha ku taal ayaa wax Dambi ah ku wayday Nin isagoo Wajiga duubtay soo booday Gurigiisa si uu Kufsi ugula kaco Xaaskiisa.

Ninkan oo ku noolaa Gobalka Fojiyan ayaa walwal ka qabay in Xaaskiisa ay si hoose Internetka Guriga u yaala ugala sheekeysato Dad kale, isagoo dhowr jeerna Digniino siiyay si ay arrintaas ugaga joogsato.

Ninkii ayaa doonay inuu Xaaskiisa tusiyo halista ay arrintan leedahay, wuxuuna sidaa kusoo gashtay Maasgaraha Wajiga lagu qariyo, isagoo Guriga soo booday oo Alaab ka xaday Haweeneydiisiina kufsaday.

Haweeeneyda ayaa markaa ka dib la xiriirta Booliska, waxayna u sheegtay inaanay kala garanayn in Ninka Falkaas u kacay uu yahay Seygeeda iyo in kale, balse Maxkamadda ayaa markii dambe Dambi ku wayday Ninka, maadaama ay Haweeneydu tahay Xaaskiisa, iyaduna aanay dooneyn inay Dacwad ku oogto Ninkeeda.


Contact US / NALA SOO XIRIIR