Ciyaaraha

Moyes oo ku soo daraya United Labo Xidig oo Germany ah

1 of 1 Moyes oo ku soo daraya United Labo Xidig oo Germany ah
1201 Views Date January 27th, 2014 time 11:15 am

Macalinka Manchester United David Moyes ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in labo xidig oo reer Germany ah uu ku soo ko dhiyo kooxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Markii ugu horeysay muddo bilooyin ah Old Trafford waxa soo caga dhigtay laacibkii ugu qaalisanaa, waana kubad sameeyaha reer Spain Juan Mata kaasi oo ay 37.1 milyan oo gani kaga soo qaateen Chelsea.

Sida laga soo xigtay The Metro, Moyes ayaa rajeynaya in uu sameeyo saxiiyo waa weyn xaagaaga waxana uu doonayaa Marco Reus iyo Toni Kroos oo u kala ciyaara Borussia Dortmund iyo Bayern Munich.
Reus waa 24 jir, waxaa la fahansan yahay in lagu qiimeynayo ku dhawaad 40 milyan oo gani halka lagu burburin karo qadaraaskiisa 30 milyan oo gani.

Kroos sidoo kale waa 24 jir kaliya 18 bilood ayaa uga harsan qadaraaska uu kula jiro kooxda Bayern waxana saxiixiisa lagu heli karaa qiimo aad u jaba

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR