Somali News

Muqdisho: Ciidamo gaar ah oo Isbaarooyinka la dagaalaya

1 of 1 Muqdisho: Ciidamo gaar ah oo Isbaarooyinka la dagaalaya
707 Views Date January 27th, 2014 time 10:04 am

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in Taliska Milatarigu uu diyaariyay Ciidamo gaar ah oo la dagaalamaya Isbaarooyinka Gawaarida Lacagaha loogaga qaato ee yaala Wadooyinka Muqdisho iyo Gobalada ku dhaw dahw.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa xusay in Ciidamadan oo Guuto dhan ah ay la Magac bexeen Ciil-Tire, isla markaana ay iminkaba bilaabeen Howlgalo ka dhan ah Isbaarooyinka.

Howlgaladii ugu horeeyay ee ay Ciidamadanu sameeyeen ayuu Taliyuhu tilmaamay inay kaga hortageen Maliishiyaad ay Isbaaro u tiilay Tubta dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxayna halkaas kusoo xirxireen qaar Maliishiyaadka ka mid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay Ciidamadeedu Maliishiyaadka Isbaarooyinka dhigta ula diriri doonaan si la mida sida loola dagaalamayo Kooxda Alshabab.

timthumb (2)


Contact US / NALA SOO XIRIIR