Ciyaaraha

kooxda Arsenal oo Heshay bedelka Julian Draxler

1 of 1 kooxda Arsenal oo Heshay bedelka Julian Draxler
533 Views Date January 28th, 2014 time 7:39 pm

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay lasoo wareegeyso kubad sameeyaha kooxda Lyon Yoann Gourcuff hadii ay ku guul darreysato raacdada ay ugu jirto soo xero gelinta Julian Draxler.

Gunners ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Schalke 04 iyadoo rabta inay lasoo wareegto kubad sameeyaha 30ka milyan oo ginni lagu qiimeeyo ee Draxler, laakiin waxay ka cabsi qabtaa inay kooxda ka dhisan Germany xaalka ku adkeyso oo ay ku qasabto inay saxiixa xiddigaan sugto ilaa xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Arsenal ayaa Gourcuff u aragta xiddig ku haboon inay u weecdaan haddii ay seegaan saxiixa Draxler ka hor xirshamada suuqa kala iibsiga ee Jimcada, xilli ay kooxdiisa Lyon ku dhibtooneyso dhibaato dhaqaale xumo, taas oo malaha ku qasbi karta inay iibiso xiddiga u dhashay dalka Frace.

er ayaa la aamisan yahay inuu taageere u yahay 27 jirkaan kubad sameeyaha ah, kaas oo qaab ciyaareedkiisii wacnaa iska lumiyey markii uu ku biiray AC Milan sanadii 2006 laakiin haatan dib usoo helay qaab ciyaareedkiisii wacnaa isagoo xilli ciyaareed fiican ku qaadanaya Ligue 1.

Gourcuff ayaa seddax gool dhaliyey 16 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan u saftay Lyon, haddii ay Gunners ku guul darreysato saxiixa Draxler ee bishaan Janaayo, Wenger ayaa rajeynaya inuu xiddiga ay isku dalka yihiin Isbuucaan keeno garoonka FLY Emirates Stadium.


Contact US / NALA SOO XIRIIR