Ciyaaraha

Kulanka caawa caalamku xiisaynayo ee kadhacaya Old Trafford iyo lind up ka rasmiga ah

1 of 1 Kulanka caawa caalamku xiisaynayo ee kadhacaya Old Trafford iyo lind up ka rasmiga ah
612 Views Date January 28th, 2014 time 12:50 pm

Manchesrer United ayaa 10:45 saacada geeska Afrikada ku soo dhaweyn doonta Old Trafford kooxda Cardiff City.

Indhaha oo dhan waxa ay caawa oo Talaada ah fiirinayaan Old Trafford dhar sababood owgood, laakiin ma ahan markii ugu horeysan ee xilli ciyaareedkan.

Caadiyan, soo laabashada Ninkii Manchester United mas’uulka uga ahaa ku guuleysiga Champions League 1999 ayaa soo laabanaya laakiin Ole Gunnar Solskjaer waxaa ka xoogbadan Juan Mata.

Laacibka reer Spain kaasi oo heshiiskii ugu qaalisanaa oo gaaraya 37.1 milyan oo gani kula biiray United ayaa waxaa laga yabaa in kulankiisii ugu horeeyay ee United uu u safto uu ka horto kooxda Solskjaer ee Cardiff City.
Si la mid ah Mata, Macalinka Red Devils David Moyes ayaa awooda in uu kooxda ugu yeero Wayne Rooney iyo Robin van Persie inkastoo laga yaabo in mid kood uu Keydka ku soo bilaawdo.

Rio Ferdinand iyo Marouane Fellaini ayaa sidoo kale kooxda tababarkeeda ku soo laabtay kaddib dhaawacyo, laaakiin kabtan Nemanja Vidic ayaa ganaaxan halka Michael Carrick shaki weyn la galinayo.

Dhinaca kale, Fraizer Campbell iyo Craig Noone oo kursiga keydka ku soo bilaawday ciyaartii ay la dheelene Bolton Wanderers ayaa laga yaabaa in Solskjaer uu dib ugu yeerto.

Daafaca buuxa ee Man United Fabio da Silva ayaa sidoo kale qeyb ka ahaan kara kooxda Cardiff, laakiin waa in uu dhameystiraan heshiiska biiritaanka.

Cardiff City kama guuleysan Manchester United tan iyo November 1960kii.

Man United ayaa labo guul ah iyo afar qasaara ah soo xareysatay lixdii kulan ee u danbeysan oo ay ciyaartay halka Cardiff labo guul ah, hal barbaro ah iyo sadax qasaaraha ay heshay.

Line up-ka Macquulka ah?

Man United: De Gea; Rafael, Smalling, Evans, Evra; Fletcher, Giggs; Januzaj, Mata, Rooney; Welbeck

Cardiff: Marshall; Fabio, Caulker, Turner, Theophile-Catherine; Whittingham, Medel, Gunnarsson, Mutch, Noone; Campbell


Contact US / NALA SOO XIRIIR