Somali News

Daawo Muuqaal Falastiin oo Malaayiin Dollar ku bixisay Aroos wadareed la isugu guuriyay lamaanayaal gaaraya..

1 of 1 Daawo Muuqaal Falastiin oo Malaayiin Dollar ku bixisay Aroos wadareed la isugu guuriyay lamaanayaal gaaraya..
820 Views Date January 31st, 2014 time 8:43 am

Magaalada Arixa ee daanta galbeed dhulka reer Falastiin waxaa ka dhacay xaflad weyn oo la isugu guurinayay lamaanayaal is doortay oo gaaraya ilaa 600-oo Lamaane oo ka kala yimid magaalooyin kuyaala Dhulka Reer Falastiin 

Aroos wadareedkan la isugu guuriyay Boqolaalka Lamaane ee u dhashay Dalka Falastiin ayaa lacagta ku baxday waxaa lagu qiyaasay Hal Malyan iyo Bar Dollarka Mareykanka , waxaana dhamaan lacagtaasi bixiyay Dowlada Falastiin.

Xaflada la isugu guurinayay lamaanayaasha gaaraya ilaa Lixda Boqol ayaa lagu qabtay Hotelka Intercontinental ee magaalada Arixa , waxaana munaasabada kasoo qeyb galay Masuuliyiin katirsan Maamulka Falastiin iyo in badan oo kamid ah Ehelada lamaanayaasha la isku guuriyay.

Waxaa kale oo xusid mudan ka sakow lacagta ku baxday Xaflada Arooska loogu dhigayay Lamaanayaashan badan in lamaane kasta la siinayay lacag gaareysa ilaa 4-kun oo Dollarka Mareykanka ah si ay noloshooda ugu maareeyaan.


Contact US / NALA SOO XIRIIR