Somali News

Daawo Sawirada Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo tababar Ciidan u aadaya Dalka Imaaraadka Carabta

1 of 1 Daawo Sawirada Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo tababar Ciidan u aadaya Dalka Imaaraadka Carabta
1711 Views Date February 1st, 2014 time 3:33 pm

Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Vila Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu sagootinayay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo tababar ciidan u aadaya Dalka Imaaraadka Carabta.

Munaasabada ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa lagu sagootinayay ciidamo ka tirsan guutada 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada, waxaana kasoo qeyb galay Agaasimaha Madxatooyada, taliyaha guutada 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka iyo Saraakiil Ciidan.

Masuuliyiintii ka hadlay Munaasanada Ciidanka maanta lagu sagootinayay ayaa kula dar daarmay in ay kasoo faa’iideestaan tababarka Ciidan ay kusoo qaadanayaan Dalka Imaaraadka Carabta lana soo laabtaan aqoonb ciidan oo casri ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa tababar ciidan oo gudaha iyo dibada Soomaaliya waxa ay u sameesaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya , iyadoona Ciidanka Xooga Dalka ay yihiin kuwa ay inta badan shacabku ka cawdaan dhibaato badana kala kulmaan.






 


Contact US / NALA SOO XIRIIR