Somali News

Is rasaaseyn Qasaaro dhalisay oo maanta ka dhacday Xaafada Arjantiin ee Mgaaalada Muqdisho

1 of 1 Is rasaaseyn Qasaaro dhalisay oo maanta ka dhacday Xaafada Arjantiin ee Mgaaalada Muqdisho
589 Views Date February 1st, 2014 time 11:39 am

Waxaa Maanta iska hor imaad daqiiqado kooban socday uu dhaxmaray Ciidamo sida la sheegay kawada tirsan Dowlada Soomaaliya, kuwaa oo kusugnaa Suuqa Arjantiin ee Degmada Kaaraan.

Goobjooge kusugan Xaafada Arjantiin ayaa Warbaahinta u sheegay in Suuqa xaafadaasi dagaal kooban uu ku dhax maray Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo ku dagaalamay goob sida la sheegay la duminayay.

Rasaasta labada dhinac is dhaafsadeen waxa uu dhaawac kasoo gaaray inta la xaqiijiyay labo qof oo midkood rayid yahay , waxaana suurtogal ah in qasaaruhu intaas ka bato maadaama goobta lagu dagaalamay shacabka loo diiday in ay kasoo agdhawaadaan.

Gudoomiyaha Degmada Karaaan ayaa lagu soo waramayaa in uu gaaray halka uu dagaalka kooban ku dhax maray Ciidamada kawada tirsan Dowlada uuna ku guuleestay in uu rasaasta joojiyo.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacayay dagaalo dhaxeeya Ciidamo kuwada labisan dareeska Ciidanka Dowlada kuwaa oo ku dagaalama qaab qabiil, halka kuwa kalana ay isku qabtaan lacago iyo arimo kale.


Contact US / NALA SOO XIRIIR