Arimaha Bulshada

Waalid si arxan daran ula dhaqmay Gabadhooda!! (Arag waxay sameeyeen)

1 of 1 Waalid si arxan daran ula dhaqmay Gabadhooda!! (Arag waxay sameeyeen)
618 Views Date February 2nd, 2014 time 11:21 am

Garsoorka ayaa sheegay in nin kasoo jeeda Gobalka Wisconsin ee Mareykanka lagu xukumay Xabsi 5 Sano ah, ka dib markii lagu helay Dambi ah inuu Gabadh uu dhalay ay Muddo Lix Sano ah isaga amarkiisa ugu jirtay Meel yaroo Xabis ah, halkaas oo ay Saxaradeeda ku cuneysay.

Wakiilka Xeer ilaalinta oo la yiraa Ismaaciil Awzan ayaa sheegay in Maxkamadda Deegaanka Din ay go’aamisay in Tshad Tshriton oo 42 jir ah 5 Sano oo dheeraad ah Kormeer lagu hayo.

Baaris lagu hayay Dambigiisa ayaa Bishii November lagu ogaaday inuu Ninkan geystay 4 Fal Dambiyeed oo ay ka mid tahay inuu Gabadhiisa si xun ula dhaqmay.

Waxaa kaloo la xukmay in Xaaskiisa Milinda Drapki Tshriton oo 44 jir ah iyadana 5 Sano la xabiso, markii Bishii July lagusoo oogay Eedeyn tan Ninka loo heysto la mid ah.

Labada Lamaane ayaa ku wada eedeysan inay 6 Sano oo Xiriir ah Xabis ku hayeen Gabadhooda.

Baarayaasha Kiiskan ayaa Labada Lamaane ka ogaaday in Gabadha aan inta badan loo ogolaan jirin inay wax cunto, hadii Cunto loo geeynaya Dhulka loogu daadin jiray oo ay halkaas ka cuni jirtay.

Waxay kaloo Baarayaashu ogaadeen in Gabadha ay Waalidkeed ku qasbi jireen inay Sanduuq yar iyo Kiishash ku saxarooto.

Sidoo kale waxay Hooyada iyo Aabahan eedeysan ku qasbi jireen Gabadhooda inay iyadoo aan Dhar wadan Guriga nadiifiso si looga ilaaliyo inay Dharka ku hoos qarsato Raashin ay cunto.


Contact US / NALA SOO XIRIIR