Somali News, Xulka Heesaha

Daawo, Hiba Nuura oo soo casriyeysay heesteeda ‘Hadmaa Gacale soo Noqon’

1 of 1 Daawo, Hiba Nuura oo soo casriyeysay heesteeda ‘Hadmaa Gacale soo Noqon’
1826 Views Date February 3rd, 2014 time 4:38 pm

Fanaanada weeyn ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon oo Hiba Nuura ku magacdheer ayaa soo cusbooneysiisay heesteedii caanka aheyd ee ‘Hadmaa gacale soo noqon’ iyadoo si casri ahi ay uso tuntay.

Hiba Nuura ayaa heestani kusoo sameysay goortii ay ku laabatay dalka, waxaana heesta aad ka dhadhansan kartaa in Hiba uu codkeeda sidiisii u macaan badan yahay.

Fanaaniinta hore ee caanka ahaa oo baaq Nabadeed u diray Shacabka Soomalida
Xaflad lagu Caawinayo Cadi Cali Bacalwaan oo ka dhacday Minnesotta
Saalim Sacid Saalim oo Hees u qaaday Qiso Sheekh Abuukar Sheekaale ku dhacday
Hiba ayaa waxey dhawaan ku laabatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay ayna kasoo tuntay iyadoo heestani ay ka mid tahay heeso dhowr ah ay kusoo casriyeysay.
Hiba Nuura ayaa waxaa haatan la dhahi karaa waa hooyada maadaama ay dalkeeda ku laabatay ayna wali dhaqankeedi iyo fanka ku jirto iyadoo ka mid ah wadaniyiinta fara ku tiriska ah eeka haray hoboladii qaranka ee Waaberi.
Daawo muuqaalka heesta ‘Hadmaa gacale soo noqon’


Contact US / NALA SOO XIRIIR