bollywoodnews Video, XOGSID IYO MAANTA

Jilaa Philip Seymour Hoffman oo geeriyooday + VIDEO

1 of 1 Jilaa Philip Seymour Hoffman oo geeriyooday + VIDEO
1261 Views Date February 3rd, 2014 time 4:59 pm

Jilaagii Hollywood ee hore ugu guuleystay abaalmarinta Oscar kaasoo lagu magacaabi jiray philip Seymour hoffman ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada New York iyadoo meydkiisa halkaasi laga dhex helay.

Jilaagaan oo 46 jir ahaa ayaa booliiska waxey sheegeen in uu iska badiyay daroogo. Waxaa jilaagaan looga baroorqiiqayaa dunida ay ku noolyahiin taagerayaashiisa.

Aktarkaan ayaa waxuu caan ku ahaa filimadii Boogie Nights iyo Big Lebowski waxuuna ku helay Oscarka sanadkii 2005. Philip Seymour Waxuu door libaax leh ka qaatay filimo caan baxay sida Mission Impossible iyo kuwa kale waxaana uuu ahaa filinka u dambeeyay oo wax ka jilay filinka The Hunger Games.

Geerida Jilaagaan ayaa waxaa masiibo ku tilmaamay jilayaal badan oo Hollywood ka mid ah.


Contact US / NALA SOO XIRIIR