Arimaha Bulshada

Nin Xaaskiisa Xaraash ku iibinaya!! (Aqriso yaabkaan)

1 of 1 Nin Xaaskiisa Xaraash ku iibinaya!! (Aqriso yaabkaan)
764 Views Date February 3rd, 2014 time 12:57 pm

Ilo Warbaahineed oo Ingariis ah ayaa sheegay in Nin Maseyrsan uu go’aamiyay inuu ka aar goosto Xaaskiisa, ka dib markuu kaga shakiyay inay Xiriir hoose la leedahay Nin kale.

Ninkan Maseyrku waalay ayaa Shabakadda Internetka Bog ku yaala oo EBay la yiraa kusoo bandhigay inuu Xaaskiisa si Xaraash ah u iibinayo.

Paul Ozbon oo 44 jir ah ayaa Guriga ka ceyriyay Xaaskiisa oo Sharon la yiraa, wuxuuna markaa ka dib soo bandhigay Iibka Xaraashka ah ee uu Naagtiisa ku bixinayo, kaas oo wata Lacag gaaraysa 500 oo Giniga Istarliinka.

Wargelin uu Bogagga Xaraashka loogu tala galay ee Internetka soo dhigay ayuu Ninkan Ozborn layiraa kusoo qoray “ Qaata Xaaskeyga beenleyda ah oo bixiya Qiimo ku haboon”. Wuxuuna tilmaamay in Sharon oo 43 jir ah ay dafirtay inay Dhagar u maleegtay Ninkeeda oo ay Xiriir la sameysay Nin kale.

Booliska Ingariiska ayaa baaris ku bilaabay Ninka Falkan ku kacay.


Contact US / NALA SOO XIRIIR