Arimaha bulshada, Somali News

Daawo Muqaalkii sababay in Universal Tv laga mamnuuco Somaliland

1 of 1 Daawo Muqaalkii sababay in Universal Tv laga mamnuuco Somaliland
1439 Views Date February 4th, 2014 time 9:45 am

Maamulka Somaliland ayaa  shaaca ka qaaday in deegaanada ay kataliyaan ay ka mamnuuceen in uu kasii howl galo Tv-ga Madaxa banaan ee Universal Tv-kaa oo lagu eedeeyay baahinta Barnaamij wax loogu dhimayay madaxweynaha Maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cabdilaahi M Daahir Cukuse oo  shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa shaaciyay in ruqdasii shaqo kala noqdeen Tv-ga Universal maanta waxii ka dambeeyana uusan ka howl gali doonin deegaanadooda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dacwad kusoo oogayaan Milkiilaha Tv-ga Universal oo dhawaan baahiyay Barnaamij loogu magac daray Faaliyaha Qaranka kaa oo wax looga sheegay laguna wareestay Muuqaal loo ekeesiiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.


Contact US / NALA SOO XIRIIR