XOGSID IYO MAANTA

Gabar 11 jir ah oo uu qasab ku aroosay nin 40 jir ah!!!

1 of 1 Gabar 11 jir ah oo uu  qasab ku aroosay nin 40 jir ah!!!
1361 Views Date February 4th, 2014 time 10:54 am

Ghulaam Xeydar waa gabar 11 jir ah , waxaa reerkeeda ku dareen oo qasab iyadoo aanan dooneyn xoog ku aroosay odaygan lagu magacaabo Faa’iz Maxamed, Inantan yar ayaa waxey riyadeedu aheyd in ay wax barato dabadeetana ay macalimad noqoto, laakiin riyadeeda waxaa afduubtay nin qasab ku aroosay.

Qaramada Midoobay hey’adda u qaabilsan caruurta ee Unicef ayaa sheegtay in dalalka soo koraya oo ay Soomaaliya ka mid tahay ay caruurta qaasatan gabdhaha uu dhib ka haysto guur la isku qasbo taasoo keento in ay ku dhacaan cuduro maadaama aysan gaarin gabdhahan da’da uur qaadista iyo ilma dhalista , waxaana gabdhana yaryar ee caruurta ah ee 9 jir ilaa 14 jir ah la sheegay in ay maskax ahaan xataa awoodin guur oo ay caqli ahaan caruur yahiin una baahanyahiin daryeel.

Hadaba sidee u aragtaan akhristayaal in gabar yar oo caruur ah oo soo koreysa lagu daro odayaal fekerkiina inoogu soo gudbiya boggeeena Facebook ee hoos ku qoran.


Contact US / NALA SOO XIRIIR