Somali News

Daawo Sawirada Madaxweyne Cabdi Wali Gaas oo soo gaaray Muqdisho lana kumay Madax katirsan Dowlada

1 of 1 Daawo Sawirada Madaxweyne Cabdi Wali Gaas oo soo gaaray Muqdisho lana kumay Madax katirsan Dowlada
647 Views Date February 6th, 2014 time 5:22 pm

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa manta xafiiska ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo wafdi uu hogaaminayo ay saakay Muqdisho soo gaareen.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn tilmaamay in xafiiskiisa iyo magaalada Muqdisho uu kusoo dhaweynayo Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka muujiyey tiiraanyada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee la xiriirta geerida Allaha u naxariistee marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliye Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa kulanka ka sheegay in magaalada Muqdisho uu u yimid ka qeybgalka aaska allaha u naxariistee Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen waxaana uu ka mahad celiyey soo dhaweyntiisa magaalada Muqdisho.

Soo dhaweyntaasi kadib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay wada qaateen kulan gaar ah oo socday mudo ka badan saacad kaasi oo ay uga wada hadleen wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Puntland





 


Contact US / NALA SOO XIRIIR