Arimaha Bulshada

Telfoonada Casriga ah midkood oo halis badan lagu sheegay!!

1 of 1 Telfoonada Casriga ah midkood oo halis badan lagu sheegay!!
1377 Views Date February 6th, 2014 time 5:47 pm

Gabadh Mareykanka u dhalatay oo ku nool Gobalka Main ayaa dhaawac kala kulantay Dab ka dhashay Telfoonka IPhone c5 oo Jeebkeeda gadaale ku jiray.

Gabadhan oo 14 jir ah ayaa ahayd Ardayad, waxayna Dugsiga timid Maalintaas iyadoo Nabad qabta, balse mar qura ayeey maqashay Dhawaaqa Qarax Jeebka Surwaalkeeda ka yeeraya.

Intii aanay si fiican u hubsan waxa dhacay, ayeey durbadiiba aragtay Dab holcaya oo Jeebkeeda qabsaday, iyadoo markaasna isku dayday inay Surwaalka deg deg isaga bixiso.

Iyadoo Dhulka dhacday oo Xaalkeeduna halis yahay ayeey Gabadhii Gurmad ka heshay Macalinkeeda oo Go’ busto ah ku huwiyay si Dabka loo damiyo.


Contact US / NALA SOO XIRIIR