Ciyaaraha

Eden Hazard”waxaan rabaa inaan la mid noqdo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo’

1 of 1 Eden Hazard”waxaan rabaa inaan la mid noqdo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo’
943 Views Date February 7th, 2014 time 12:18 pm

Xiddiga qadka dhexe ee Chelsea Eden Hazard ayaa sheegay inuu si adag u shaqeyn doono sida uu ula sinto xiddigaha kala ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ah labada ciyaaryahan ee ugu fiican Adduunka.

Hazard oo wacdaro ka dhigay ciyaartii Chelsea 1-0 ay ugu badisay Man City ayaa raba inuu kula biiro labada ciyaaryahan raga ugu wanaagsan dunida,isagana uu noqdo kan seddexaad .

23 jirkan ayaa u sheegay BBC”ciyaaryahanadaas waa kuwa ugu fiican koobkaan,waxaa ay dhaliyaan hal,labo ama seddex gool kulanka kasta waana hadafkooda si ay kor ugu qaadaan awoodooda ciyaareed,anigana waxaan rabaa inaan u shaqeeyo si adag maalin walba si aan iyaga oo kale aan u noqdo ayuu yiri.

Hazard ayaa ugu soo biiray Chelsea Lille 2012,waxaa uu dhaliyay sagaal gool 24 kulan uu u saftay xagaagan Premier league.


Contact US / NALA SOO XIRIIR