Somali News

Daawo Sawirada :Ciidamo katirsanaa Milatariga oo gabi ahaan xiray iridka laga galo Xarunta Madaxtooyada Somalia

1 of 1 Daawo Sawirada :Ciidamo katirsanaa Milatariga oo gabi ahaan xiray iridka laga galo Xarunta Madaxtooyada Somalia
1054 Views Date February 8th, 2014 time 10:52 am

Ciidamo tiro badan oo katirsanaa Milatariga Soomaaliya dhawaana laga eryay shaqadii ay ka hayeen Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa xiligan dibad bax waxa ay ka dhigayaan afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Ciidamada Dibad baxa dhigaya ayaa u badan ciidamo katirsana kuwa Naafada ee ku dhaawacay Dagaalkii 1977-dii ay la galeen Ciidamada Itoobiya kuwaa oo dhawaan shaaciyay in shaqadii laga eryay.

Ciidamada dibad baxa dhigaya ayaa isugu jira Rag iyo haween katirsanaa Milatariga kuwaa oo dhawaan Taliyaha Ciidanka Milatariga ugu sareeya uu shaaciay in ay ka eryeen shaqadii Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Dibad baxayaasha ayaa qaarkood xiran dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxa ayna u diideen in Xarunta Madaxtooyada ay galaan gaadiidka Dowlada, Ciidanka dibad baxa dhigaya ayaana ku dhawaaqaya eryo ay kaga cabanayaan Taliska ugu sareeya Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah











 


Contact US / NALA SOO XIRIIR