Somali News

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo Casho sharaf u sameesay Ehelada R/wasaarihii Hore(Daawo Sawirada )

1 of 1 Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo Casho sharaf  u sameesay Ehelada R/wasaarihii Hore(Daawo Sawirada )
1160 Views Date February 9th, 2014 time 10:19 am

Marwada Madaxwenyaha Jamhuuriyada Soomaaliya Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa Habeenkii xalay waxa Casho sharaf qaali ah u sameesay Ehelada R/wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen oo Maalintii Jimcaha Muqdisho lagu aasay.

Casho Sharafta ay sameesay Marwada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka haweenka iyo xuququl insaanka , Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya , guddomiyaha ururka Haweenka Qaranka iyo marti sharaf kale.
Wasiirka haweenka iyo xuququl insaanka Marwo Khadiiyo Maxamed Diiriye oo hadal kooban ka jeedisay Casha Sharafta loo sameeyay Ehelada Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga naxeen geerida Marxuun C/Risaaq Xaaji Xuseen waxa ayna ilaah uga barisay in janadii Fardowsa uu ka waraabiyo.

Khadiijo Bulxan Warsame xaaska uu ka geeriyooday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo iyana goobta ka hadashay ayaa u mahadcelisay casho sharafta ay Marwada Madaxweynaha u sameysay , waxa ayna ka sheekeysay taariikhdii R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ay ku tilmaamtay in uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, oo lagu xasuusto la dagaallanka musuq maasuqa iyo dhisidda maamul wanaagga, waxaana ay intaa ku dartay in markasta uu ku haminayay Soomaali oo mid noqota in uu arko.

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Sahro Cumar Xasan gaba gabadii casha sharafta ka hadashay ayaa sheegtay in Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi RisaaqXaaji Xuseen uu ahaa nin ku weyn umada Soomaaliyeed laguna xasuusan doono waxyaabo aad u badan.

Magaalada Muqdisho waxaa kusugan xubno badan oo kamid ah Ehelada Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kuwaa oo ka kala yimid wadamo kala duwan una yimid Magaalada Muqdisho ka qeyb galka aaska qaran ee Maalintii Jimihii loogu sameeyay Muqdisho Ra’izul Wasaarihii hore Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen.












 


Contact US / NALA SOO XIRIIR