Ciyaaraha

Bayern Munich oo xaqiijisay in kulanka Arsenal uusan ciyaari doonin Franck Ribery.

1 of 1 Bayern Munich oo xaqiijisay in kulanka Arsenal uusan ciyaari doonin Franck Ribery.
633 Views Date February 11th, 2014 time 11:39 am

Bayern Munich ayaa xaqiijisay in Franck Ribery uu seegi doona lugta hore ee kulanka wareega 16 Champions League kooxda Arsenal ka dib markii qaliin lagu sameeyay.

Ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara xulka France oo ah 30 jir ayaa ka maqnaa kulankii ugu dambeeyay oo ay kooxdiisa Bavarians ’2-0 kaga badiyeen Nurnberg sabtidii.

Waxaa ay xaqiijisay kooxda Munich in ciyaaryahankan lagu sameeyay qaliinj lagu ciribtirayo dhawacyadiisa oo soo lab laabtay dhawanahaan.

Bayaan website Bayern Munich lasoo dhigay ayaa lagu yiri: “Baaritaanka wxuu shaaca ka qadayaa in ciyaaryahanka uu ka maqnaanayo kulanka lugta hore ee Champion League aan ku wajaheyno kooxda Arsenal.

“Tani waxay macnaheedu noqon doontaa in Munich ay weyn doonana laacib weyn oo muhiim u ahaa kooxdan kulanka ay ku wajahyaan Arsenal Emirates February 19 .


Contact US / NALA SOO XIRIIR