Arimaha Bulshada, Somali News

Dadka Masaakiinta ah ee tuugsada oo cabasho ka muujiyay teleefoonada gacanta

1 of 1 Dadka Masaakiinta ah ee tuugsada oo cabasho ka muujiyay teleefoonada gacanta
1246 Views Date February 12th, 2014 time 9:27 am

Dadka masaakiinta ah ee tuugsada ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay cabasho weyn ay ka muujiyeen teleefoonada gacanta ama mobilka ka dib markii uu sababay dhibaato baaxad weyn oo soo wajahday noloshooda. 

Dadka ka dawarsada ama ka tuugsada suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday dhibaato weyn oo la xiriirtaa lacag la’aan iyo inay waayeen cid wax ku sadaqeysata maadaama ay noqotey in dadka ka dukaameysanaaya magaalada Muqdisho ay lacagihii ku wataan teleefoonka gacanta ama mobilka oo aysan jirin cid wadata lacag kaash ah ama cadaan ah taas oo keentay inay meesha ka baxdo in lacagihii yaraa ee lagu sadaqeysan jirey dadka masaakiina ah ee ka tuugsada suuqyada magaalada Muqdisho, Dadka masaakiitnta ayaa waxay cabasho ka muujiyeen teleefanada Mobiilka ah ee lagu wato lacagaha ayagoona sheegay in wixii ka horeeyey habkaas loo qaato lacagaha ay heli jireen dad ku sadaqeysto lcago laakiin waayadii ugu dambeysay aysan jirin cid gacan u soo taagto maadaama uu qof walba lacagtii ku wato mobilkiisa.

Ugu dambeyntiina iyadoo dadkaas masaakiinta ah ay dhib weyn ku qabaan teleefoonada gacanta ee lagu wato lacagaha ayaa waxay arintaas u keentay inay noloshoodo soo wajahdo dhibaato baaxad weyn maadaama aysan heli karin wax ay ku iibsadaan nolo maalmeedkooda, Dhanka kale ayaa waxaa adag inay dadkaas tuugsanaayo ay qaataan mobil ka dibna ay sidaas ku tuugsadaan oo lacag loogu soo gudbiyo mobilkooda maadaama aysan awood u lahayn iibsashada mobilka islamarkaana aysan haysan lacagihii lagu furan lahaa akoonka arintaas oo keentay inay dadka masaakiintu ay ku qadaan halkaas oo ay waayan cid wax u soo taagto.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com


Contact US / NALA SOO XIRIIR