Ciyaaraha

Qabashada Chelsea ma ka faaideysan Doonaan Macalin Wanger vs Kooxdiisa Arsenal……

1 of 1 Qabashada Chelsea ma ka faaideysan Doonaan Macalin Wanger vs Kooxdiisa Arsenal……
1429 Views Date February 12th, 2014 time 10:14 am

Waxaa xalay la qabtay Kooxda Chelsea oo Todobaadkaan Gudihiisa la wareegtay Hogaaminta Horyaalka Ingiriiska 2013-2014 waxaana Barbardhac 1-1 ku celisay Kooxda Kaalinta 18 kaga jirta West Bromwich oo Kaalimaha ugu Dambeeya kaga jirta Horyaalka.

Qabashada Chelsea ee Xalay waxa ay Jaanis weyn u tahay Kooxda Arsenal oo Hadii ay Cawa ka badiso Kulanka adag ee dhex mari doona Iyaga iyo Man utd ay Markaasi Hogaanka Dib ugu soo nqoon doonto Horyaalkana ku horkici doonaan 58 dhibcood,mana gaari karto dhibcahaasi Kooxda Man city Hadi ay badiyaan oo Arsenalna ay badiso waxaana Man city ay soo hiigsan doonta  Kaalinta 2 iyadoo yeelan doonta 57 dhibcood.

isku  tuur tuurka uu ku socdo Horyaalka Ingiriiska 2013-2014 ayaa ka dhigay mid aan la sii sheegi karin cida sanadkaan ku guuleysan doonta Horyaalka oo maraya meertadiisii 26aad.
Hadaba Chelsea ma dhici kartaa inay ku sugnaato Kalainta 1 oo laga wada badiyo Man city iyo Arsenal oo garoomadooda ay marti ugu yihiin Kooxaha Sunderland iyo Man utd mise Chelsea waxa ay markale kus oo laaban doontaa Kalintii 3 oo mudooyinakan ay kaga jirtay Horyaalka la arki doonee Xalak caawa sida uu ku dhamaado,iyadoo fiiro gaara h loo leeyahya Kulanka adag ee u dhaxeeya Kooxaha Arsenal iyo Man utd

Waxaa diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2013@gmail.com


Contact US / NALA SOO XIRIIR