Somali News

Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

1 of 1 Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay
878 Views Date February 17th, 2014 time 12:58 pm

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Maanta ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa oo lasoo dhigay Isgooska Ceel Gaabta ee Degmada Xamar Jajab.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax lasoo dhigay goob dad badan ka buuxeen oo kuyaala Suuqa Ceel Gaabta, waxa ayna intaa ku dareen in ninkii gaarigaasi watay ee doonayay in uu is qarxiyo ka laabtay go’aankiisa.

Ninka watay gaariga waxyaabaha qarxa ka buuxeen ayaa la sheegay in uu wacay Ciidanka Dowlada kuna wargaliyay in gaariga uu wato ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa kana laabtay go’aan uu ku doonayay in uu isku qarxiyo.

Goob joogayaal kusugan Isgooska Ceel Gabata ayaa waxa ay ku warameen Ninkii gaariga watay ee doonayay in uu is qarxiyo Ciidanka Dowlada u sheegay in lagu soo qasbay falkan uuna go’aansaday hada in uu badbaadiyo naftiisa iyo dad kale oo waxyeelo kasoo gaari laheed qarxaasi

Ma jiro wax war oo ku saabsan arinkan oo kasoo baxay Talisyada Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugida oo hada baaritaano kuwada ninkan Shabaab katirsanaa ee doonayay in uu is qarxiyo balse ka laabtay Go’aankii isqarxinta.


Contact US / NALA SOO XIRIIR