Somali News

Khilaaf u Dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Jen Fartaag oo Banaanka usoo baxay

1 of 1 Khilaaf u Dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Jen Fartaag oo Banaanka usoo baxay
498 Views Date February 18th, 2014 time 12:05 pm

Waxaa Markii ugu horeesay soo shaac baxay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa koowaad Jeneraal Cabdullaahi Fartaag.

Khilaafka u dhaxeeya Labada Masuul ayaa salka ku haya sida aan Wararka ku heleyno dhameestirka Maamulka KMG Jubba , labada Hogaamiye ayaana isku fahmi waayay qaabka loo qeybsanayo Maamulka Jubba ee la qorsheenayo in la dhameestiro.

Jen. Fartaag ayaa isagu doonaya in Xubno Beeshiisa ah loo Magacaabo Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo , Sadax Wasiir kuxigeen iyo Sadax Agaasime , hasa ahaatee dalabkaasi waxaa kasoo horjeeda Sheekh Axmed Madoobe oo qoondo intaa ka yar ugu tala galay Beesha Mareexaan.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa doonaya in Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo u magacaabo Nin aan kasoo jeedin Beesha Mareexaan uu ka dhashay Madaxweyne kuxigeenkiisa koowaad ee Fartaag.

Maalintii shalay ayaa la filayay in la dhameestiro maamulka KMG ee Jubba , hasa ahaatee Khilaafka xoogan ee ka dhashay dhameestirka Maamulka ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jubba iyo Kuxigeenkiisa ayaa dib u dhac u keenay dhameestirka Maamulka Jubba.

Khilaafka ka dhashay Dhameestirka Maamulka Jubba ee u Dhaxeeya Hogaamiyaha Maamulkaasi Sheekh Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa Koowaad ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee Banaanka usoo baxa tan iyo markii Maamulkaasi looga dhawaaqay Magalaada Kismaayo sanadkii hore.


Contact US / NALA SOO XIRIIR