Ciyaaraha

Mesut Ozil oo sheegay inuu wacdaro soo bandhigi doono kulanka Habeen dambe

1 of 1 Mesut Ozil oo sheegay inuu wacdaro soo bandhigi doono kulanka Habeen dambe
726 Views Date February 18th, 2014 time 1:01 pm

Kulanka ay habeen dambe kooxdiisa garoonka Emirates kula cayaari doonto Bayern Munich ayuu ku sheegay Ozil inuu yahay kulan xiiso gaar ah u leh isaga .

“Waxaa la joogaa xiligii aan u abaal gudi lahaa taageerayaasha Arsenal oo marwalbo I garab taagan sidaa darteed waxaan diyaar u ahay inaan Bayern Munich ka hortago sidoo kalena aan la galo dagaal culus inkastoo Bayern haatan tahay naadiga ugu awooda badan Yurub hadana dadaal walbo ayaan sameyn doonaa si aan Munich meel u saarno”

Ozil iyo kooxdiisa Arsenal waxay garoonkooda Emirates kusoo dhaweyn doonaan macalin Pep Guardiola iyo Bayern oo damacsan inay noqdaan kooxdii ugu horeesay oo difaacato tartanka koobka horyaalada Yurub.

Ozil ayaa sidoo kale sheegay inuu u hayo xushmad weyn wuxuuna yiri “waxaan Bayern u hayaa xushmad sidoo kalena xaqiiqada ayaa ah inay ka awood badan yihiin sanadkii hore sidaa darteed macalin Guardiola oo kusoo kordhay ayaa ka dhigan in kooxdan ay weli baahi weyn u qabto ku guuleysiga tartankan”

Mesut Ozil ayaa sheegay inuu aqoon dheer u leeyahay qaar ka mid ah xidigaha Bayern oo ay xulka Jarmalka ka wada tirsan yihiin isagoo sheegay iney sxbo yihiin xidigaha kooxda Bayern qaarkood wuxuuna ka xusay Lahm, Bastian, Boateng, Neuer, Kroos, Gotze iyo Muller.


Contact US / NALA SOO XIRIIR