Somali News

Daawo Sawirada :Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Magaalada Kampala kula kulmay Gervais Rufyikiri

1 of 1 Daawo Sawirada :Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Magaalada Kampala kula kulmay Gervais Rufyikiri
475 Views Date February 20th, 2014 time 1:21 pm

Raysalwasaaraha Xukuunmadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa booqasho ku tegey dalka Uganda, Booqashadiisa ayaa ahayd mid xiriir ah oo uu ku maraayey dalalka dersika la ah Soomaaliya ama ciidamadu ka joogaan

Raysalwasaaraha ayaa magaalada Kampala kula kulmey Madaxweyne ku-xigeenka dalka Brundi Mudane Gervais Rufyikiri. Labada Mas’uul ayaa ka hadlay sidii xiriir dhow iyo iskaashi ay u wada wadaagi lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kaalinta ciidnaka AMISOM iyo horumarka ka muuqda dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burbur xoog badan. Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in dhowaan ay ka guulaystaan kooxaha Nabad-diidka ah.

“ Burundi waxaa ay qayb weyn ka qaadatay xasiloonida dalka Soomaaliya, labada dal waxaa ay sii xoojinayaan xiriirka u dhexeeya , waxaana aan iska kaashan doonnaa dib u dhiska hay’adaha dawladda. Burundi waa dal ay soo mareen dhibaatooyin dagaal, waxyaabo badan ayaan ka sheekaysanay oo ay kamid tahay dhibaatooyinkii dalkaasi ka dhacay iyo sida ay hogaamiyayaashu ugu guulasteen in xal loo helo nabadda, korna loo qaado isku xirka shacabka iyo dawladda si kor loogu qaado adeegyada bulshadu ay u baahantahay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka ay Somalia ku talaabsatay, dalka Burundi waxaa uu gacan ka gaysan doonaa sidii Soomaaliya ay uga dhalan lahayd xasilooni, dib-u-dhis loogu samayn lahaa hay’adaha dawladda iyo horumar laga gaaro dhanka adeegyada bulshada .” Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi Mudane Gervais Rufyikiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay soo gaaray magaalada Kampla , waxaana uu maanta la kulmi doona Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yuweri Museveni iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka Uganda oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta danaha ka dhexeeya labada dawladood.





 


Contact US / NALA SOO XIRIIR