Somali News

Nabadoon caan ah oo lagu dhax dilay beer uu lahaa oo kutaala Deegaanka No-50

1 of 1 Nabadoon caan ah oo lagu dhax dilay beer uu lahaa oo kutaala Deegaanka No-50
489 Views Date February 20th, 2014 time 12:03 pm

Wararka ka imaanaya Deegaanka No-50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maalintii shalay deegaankaasi kooxo hubeesan ku dileen Nabadoon caan ka ahaa Deegaankaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abuukar Dirir, waxaana da’diisa lagu sheegay inay aheyd 80-sano jir, Nabdoonka waxaa lagu dhax dilay beer uu lahaa oo kutaalay Deegaanka No-50.

Kooxaha Dilka geestay ayaa la sheegay in ay katirsan yihiin Maleeshiyada deegaankaasi , waxa ayna Dilka kadib nabdoonka ka qaateen Qori AK-47- uu lahaa sida uu xaqiijiyay C/qaadir Sagaareey oo kamid ah Raga maamula Deegaanka No-50.

Maamulka Deegaanka No-50 ayaa sheegay in ay baxsadeen Maleeshiyadii dilka geesatay balse ay wadaan baaritaano ay ku doonayaan in ay kusoo qabtaan raga gacan kudhiiglayaasha ah ee Dilka geestay.

Nabdoonka la dilay ayaa la sheegay in uu kasoo jeeday Beesha Murusade , waxaana la tilmaamay in uusan wax lug ah ku laheyn dagaaladii Deegaankaasi horey ugu dhax maray labo Maleeshiyo beeleed.


Contact US / NALA SOO XIRIIR