Somali News

Al-Shabaab ” Waxaan Dilnay Sadax Askari oo katirsan Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM’

1 of 1 Al-Shabaab ” Waxaan Dilnay Sadax Askari oo katirsan Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM’
645 Views Date February 21st, 2014 time 9:54 am

Xarakada AL-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen Ciidamo Itoobiyaan ah oo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kadib qarax miino oo lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidankaasi.

Sheekh Cabdi-Casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Ururka Al Shabaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa miino oo maalintii shalay ka dhacay Duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ku dileen Sadax Askari oo katirsan Ciidanka Itoobiya.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidanka Itoobiyaanka ah ay qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen qaraxaasi, waxa uuna tilmaamay in ay jiraan dhimashada Sadaxda askari kasomow tiro dhaawacyo ah oon tiradooda laheyn.

Taliska AMISOM ayaan dhankooda ka hadlin qaraxa la sheegay in lagu dilay Askar katirsan Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray howlgalka AMISOM , waxaana hadalka Shabaab kusoo aadayaa xili Ciidamada Itoobiya dhaq dhaqaaqyo ciidan kawadaan qaar kamid ah Goolada Dalka.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR