Somali News

Gaas Argagaxisanimo waxay horseed ka yihiin dhibaatada oo waarta”

1 of 1 Gaas Argagaxisanimo waxay horseed ka yihiin dhibaatada oo waarta”
1566 Views Date February 21st, 2014 time 5:15 pm

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa cambaareeyey weerarkii fuleynimada ahaa ee maanta lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Tacsi u diray dadkii ku geeriyooday, kuwii ku dhaawacmeyna Alle uga baryey caafimaad deg deg ah. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Dadweynaha iyo Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Horumarka jecel in ay iska kaashadaan la dagaalanka cadowga shabaab iyo argagixisada caalamiga ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa khadka Telephonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya asagoo si gaar ah uga tacsiyeeyey dhibtii maanta loo geystay shaqaalihii iyo dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkan fuleynimada ah.

‘’Soomaaliya waxaa deeqda Nabad ku timaadda wada hadal iyo kalsami. Colaad, iyo argagaxisanimo waxay horseed ka yihiin dhibaatada oo waarta’’ ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaaa tilmaamay inuu aad uga xun yahay falkan waxshnimada ah ee ay ka dambeeyaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta

Madaxtooyada Puntland.

safe_image


Contact US / NALA SOO XIRIIR