Somali News

Nin Dhalinayaro ah oo lagu xukumay Dil kadib markii 100-Dumar ah uu ka qaaday Sawiro kala gadisan

1 of 1 Nin Dhalinayaro ah oo lagu xukumay Dil kadib markii 100-Dumar ah uu ka qaaday Sawiro kala gadisan
641 Views Date February 21st, 2014 time 9:48 am

Maxkamad kutaala Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku riday muwaadin u dhashay Dalkaasi oo lagu eedeeyay in Dumar gaaraya 100- uu ka qaaday Sawiro kala gadisan xili aysan ka warqabin.

Ninkan lagu eedeeyay in Sawiro ka qaaday Dumar guryahooda jooga ayaa markii hore Maxkamad kutaala Magaalada Buraidah waxa ay ku xukuntay xabsi 12-sano ah , 800 oo Karbaash iyo in uu bixiyo lacago gaareysa 80,000 oo riyaal.

Maxkamadii ku riday Xukunka aan horey usoo xusnay ayaa ka laabatay go’aankii hore waxaana ugu dambeyn ninkan dhalinyarada ah ee Sawirada Qarsoodiga ah ka qaatay Dumar Sacuudiyaan ah lagu xukumay Xukun Dil ah.

Ciidamada Booliiska Dalka Sacuudiga ayaa ninkan soo qabtay kadib markii dumar aad u badan Booliiska u gudbiyeen dacwad la xariirta in ninkan uu sawiro qarsoodi ah ka qaaday kadibna uu ku faafiyay Baraha ay bulshadu ku kulanto sida Facebooka.

Ninkan Sacuudiyaanka ah ee Xukunka adag lagu riday ayaan la ogeyn waxa ku kalifay in Swairo qarsoodi ah ka qaado dumar kor u dhaafaya 100- kadibna uu ku faafiyo Baraha ay bulshadu kuwada xariirto ,

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR