Somali News

War Deg Deg Ah Kooxo Hubeesan oo la wareegay Dhismayaal ku dhaw Madaxtooyada ,Qaraxyo iyo Rasaas wali dhaceysa

1 of 1 War Deg Deg Ah Kooxo Hubeesan oo la wareegay Dhismayaal ku dhaw Madaxtooyada ,Qaraxyo iyo Rasaas wali dhaceysa
680 Views Date February 21st, 2014 time 10:23 am

Waxaa Goordhaw qaraxyo xoogan ay ruxeen agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoona Qaraxada kadib ay bilaabatay dagaal toos ah oo u dhaxeeya Kooxo Hubeesan iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Warar Hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay irid laga galo Xarunta Madxatooyada Soomaaliya gaar ahaan meel ku aadan iskuulka 15-ka May.

Qaraxyada kadib waxaa bilaabatay dagaal toos ah ay halkaasi ku galeen Rag hubeesan kuwaa oo warar soo baxaya sheegayaan in ay la wareegeen dhismo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxyo iyo Rasaas culus ayaa hada ka dhaceysa agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya , xaalada ayaana ah mid cakiran , waxaana goobtaasi kusii qul qulaya ciidamo katirsan Dowlada iyo AMISOM.

Xaalada Muqdisho ayaa ah mid kacsan, waxaa la maqlayaa dhawaqyo Qaraxyo ah iyo Rasaas Culus , Xaafadaha qaar waxaa ku dhacaya Rasaas Wiifto ah.

Wali si rasmi ah looma oga qaraxyada iyo Dagaalka tooska ah ee ka dhacaya afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya .

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dmabe Insha Allah


Contact US / NALA SOO XIRIIR