Somali News

BEER BAXEYSA GEED BUKA LAGAMA WAAYO.!!!

1 of 1 BEER BAXEYSA GEED BUKA LAGAMA WAAYO.!!!
602 Views Date February 23rd, 2014 time 6:27 pm

Soomaaliya cidina ma inkiri karto in ay meel fog ka timid meel fogna u socoto, si looga gudbo nolosha ku sidkan fowdada iyo colaadahana loo baahan yahay in la higsado halka ay naga jiraan nabadda iyo horumarku,taana waxaa lagu gaari karaa in lala yimaado isku duubni iyo in qof kasta oo Soomaaliya meel kasta ha joogee uu is garab taago dadaalada looga mira dhalinayo helitaanka dowlad awood leh oo damaanad qaada in ay dalka ka saari karto Maamul xumida, dagaalada sokeeye iyo saboolnimada, si aan u helno mustaqbalka ay soomaalidu mudan tahay waqtigaan in lagu hogaamiyo ama lagu maamulo.

Waxay aheyd sandkii 2012-kii markii aan ka talaabsanay xeyn daabka KMG-ka oo ahaa sida aan u fahmay mid lagu soo socod barayay Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba, si ay lugahooda isugu taagaan aakhirka,taana waa ay dhacday oo waa la gaaray maalin madal ah oo gole looga dhawaaqay in ay Soomaaliya tahay dowlad buuxda oo la mid ah dowladaha Caalamka, inkastoo aanuu macnuhu aheyn sida dadka qaarkii u fahmeen qaabka dowladnimada soomaaliya loo aqoonsaday maadaama aan ka mid nahay dalalka ka soo kabanaya dagaalada sokeeye.

Balse, hamuunta dowladnimo ee na heysay darteed iyo weliba sida dad badani u arkayeen oo aheyd in mushkiladaha na heysta aan uga bixi karno oo qura anaga oo yeelana dowlad la aqoonsan yahay, ayaa
sababtay in Madax iyo shacaba iyadoo aan la is weydiin jawaabaha loo heli doono su’aalaha naga hor imaan doona mustaqbalka dhow, in aan dal iyo dibadba u alalaasno una sacaba tumno helitaanka dowladnimadii aan gacmaheena ku duminay hadana tag daradeena awgeed aan aaminay in nalaku gardaadsho mooyee in aanaan kaga bixi karin karti iyo dadnimo mar kale soomalidu la timaado.

Dad badan oo indhow garad ahise markii horaba ka bixitaanka KMG-ka waxa ay ka muujinayeen saluug maadaama lagu soo beegay xili ay dadka soomaaliyeed lugaha kula jiraan dhooqa siyaasadeed oo aad u adag, xilli ay dalka ka jiraan dagaalo hubeysan,xili uu jiro khilaafaad siyaasadeed iyo murano maamul iyo caqabado kale oo tira beel ah, waxa ayna dhinaca kale dareemayeen in dalalka reer galbeedka ee daaha
gadaashiisa ka maamula siyaasadda Soomaaliya, ay ujeedka siinta dowladnimo ee soomaaliya xiligan murugsan uga dan lahaayeen oo qura in ay ku fushadaan dano siyaasadeed oo iyaga u gaar ah, hadii ay ka
waayaana yaqaana qaabkii ay ku majaxaabin lahaayeen.

Taana waxaa daliil u ah,sida ay durbaba dowladii ay wax ka dhiseen iyada oo aan qaan gaar noqon wax badana aan ka qaban qodobadii loo qorsheeyay in ay ka shaqeyso oo ahaa dhameystirka dastuurka KMG
ah,dhismaha maamulada gobolada iyo u gogol xaarka qabsoomida aftida dastuurka iyo doorashada madaxda dalka, ay hey’daha hoos taga UN-ku u bilaabeen dhaliilaha iyo dacaayadaha aan salka laheyn ee lagu marin habaabinayo siyaasadda dowlada,isla markaana lagu niyad jabinayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaase hubaal ah in ugu horeyba ay howlaha dowladu ku bilaawday dardar iyo waji ka duwan kuwii KMG -ka,sida Siyaasadda dibada,hogaaminta shirarka caalamka iyo maalgashiga ka socda dalka gaar ahaan Caasimada oo ay horsed u yihiin qurba joogta soomaaliyeed oo ku soo dhiiraday ka faa’ideysiga dowladnimada,waloow aan la oran Karin wax walba waxa ay u socdaan sidii loogu tala galay maadaama
sanadkii koowaadba la maquurtay is maandhaaf siyaasadeed oo ka dhex abuurmay Madaxda sare ee dalka,taana ay sababtay in uu waqti badani kaga lumo xalinta murankaa iyo soo magacaabista xukuumad cusub oo badasha tii la riday.

Waana sababta ilaa iyo waqtigan la oran karo dowlada Federaalka ahi waa ay ugu guuleysan la’dahay wax ka qabashada Aminga , Cadaaladda,soo af jarida dagaalada iyo qataraha Al-shabaab iyo hagaajinta xiriirada maamulada dalka, hase yeeshee shaki kuma jiro in ay dad badani is weydiin karaan su’aasha ah,waxa ay ku kala duwan yihiin awoodaha madaxda dowladihii KMG ahaa iyo dowladan ka danbeysay ee looga baxay KMG-ka. Mar hadii aaney wax badani iska badalin la shaqeynta iyo hadalada siyaasadeysan ee caalamku.

Aan u daayo jawaabta su’aashaa dadka aqoonta u leh ee u heli kara sharaxaada badan, Balse dhanka kale waxaa ayaan dara ah in mudooyinkaan danbe ay isi soo tareen Soomaali iyo Ajaanib u soo tafa xeytay dibin daabyada iyo burburinta dowladnimada soomaaliya, kuwaasoo faafinaya duufaano dacaayado ah iyo hadalo lagu durayo had walba tilaabada ay qaadaan madaxda dowladu,waxaadba moodaa in la wada af
dhowrayo hadalada ay madaxdeenu ka jeediyaan gudaha iyo dibadaba waqtiyada kala duwan ee ay gudanayaan shaqadooda,waxa uuna dagaalka barabugaandu gaaray heer Madaxweynaha Dalka Md Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga dalka Turkiga in ay dad soomaali ahi faafiyaan in uu geeriyooday waana tilaabo muujineysa heerka dadka qaarkii ay ka taagan yihiin Dowladnimada.

“Xaqiiqdii macna malaha inta aad nooleyd ama aad u soo joogtay xaaladda soomaaliya ee murugsan,balse waxaa macna leh inta aad wax ka badashay dadkaaga iyo dalkaaga marxalada adag ee ay ku sugan yihiin”
taa ayaana ah mid mudan in aan ku tartano si aan helno dad tusaale u noqon kara bulshada,halka aan ku loolami laheyn daneysiga gaarka ah, Qabyaalada iyo dacaayadaha dib u dhigi kara dowladnimada Soomaaliya.
Waa dhab weli lama joogo meel lagu qanco laguna aamino Madaxda dowlada, balse Shaqada lagu hagaajinayo dowladnimaduna weli waa mid socota Waxaana loo baahan yahay in la sii wado dadaalka lagu doonayo is-bedelka. Iyo Halganka lagula dagaalamayo kooxaha mucaaradka ah. Iyo weliba Hiigsiga siyaasdeed ee ay madaxdeenu afka ka sheegaan oo loo rogo xaqiigo la taaban karo, si looga dhabeeyo arimahaana Dalku wuxuu u baahan yahay hay’ado shaqeeya oo ay dadku aaminaan. Kuna shaqeeya sharciga, iyo in la soo celiyo nabadgelyadii dowladu ugu timi dalka xiligii KMG ahaa oo la oran karo waqtigaan waa looga sii daray.
Si hadaba loo hubiyo dowlad wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato mustaqbalka dhow, waa lagama maarmaan in hadda la qabto shaqo adag laguna qabano si wadajir ah. Waayoo Guushu waxa ay ku jirtaa
iskaashiga ka dhexeeya Soomaalida iyo beesha caalamka- waase hadii ay soomaalidu la timaado iskaashi dhab ah oo ay ku xambaareyso waajibaadka dowlad madax-banaani leedahay.balse taa waxaa ka mudan
aragtideyda in ay marka hore hogaanka sare ee dalka iyo Xukuumaduba la yimaadaan qorshe cad oo ay wax uga qabanayaan dhaliilaha jira iyo habaca ka muuqata shaqadooda oo hadey sii socdaan sababi kara in laga niyad jabo wada shaqeyntooda.

Waayoo ma jirto wax ka hor istaagi kara iney xagiijiyaan Madaxdeenu guusha iyo kartida soomaalidu u leedahay ka gudubka waqtiga adag iyo ka rumeynta riyadooda.hadiise sida hadaba socota caalamku dhageysto Soomaali ku kala hadleysa luqado iyo fikrado kala duwan oo aan mideysneyn waxaad ogaataan in ay iyaguna idin kula shaqeyn doonaan wajiyo kala midab ah oo uu mid waliba maalintiisa idinka
muraadsado,mid hor lehna idinku wareejiyo si uu maalmo kale idiin maaweeliyo.

Ugu danbeyntii iyadoo aan marnaba raali laga noqon doonin in ay dowladu caburiso dadka soo jeedinaya dhaliilaha iyo wax ka sheega ku dhisan toosinta iyo tilmaamaha,ayaan dhanka kale waxaan Madaxda
dowlada,iyo shacabka Soomaaliyeed intooda wanaaga jecelba kula talin lahaa in aaney ku niyad jabin dagaalka hubeysan iyo midka afeed ee lagula jiro jiritaankooda iyo dowladnimadooda curdunka ah ee aan weli gaarin waqtigii la guran lahaa miraheeda,si loo gaaro biseylka beertaana waa in loo yeeshaa dulqaad dadka ku howlan borobogaandada iyo burburinta soomaaliya loona fahmaa hadaladooda in BEERTII BAXEYSA AAN GEED BUKA LAGA WAAYIN !!!!!

DH A M A A D
A/dukadir Mohomed Farah Dulyar
Dulyar23@Gmail.com
Mogdisho/Somalia


Contact US / NALA SOO XIRIIR