Ciyaaraha

Madaxweynaha Chelsea oo ku amray Didier Drogba inuu Chelsea ku soo laabto wa maxay sababta

1 of 1 Madaxweynaha Chelsea oo ku amray Didier Drogba inuu Chelsea ku soo laabto wa maxay sababta
2630 Views Date February 23rd, 2014 time 6:52 pm

Chelsea ayaa dooneysa in Didier Drogba ay dib ugu soo celison kooxda macalin ahaan ee ma ahan inuu u ciyaari doono ciyaaryahanka Ivorian kadib labo sano uu ka maqnaa Stamford Bridge.

Drogba ayaa ku wajahaya kooxdiisii hore lugta hore ee Champions league wareega 16-ka toddobaadkan laakiin 35 jirkan ayaa la tilmaamayaa inuu ka tagi doono Turkiga marka uu dhamaado heshiiska haatan uu kula jiro,waxaana Sunday People ay sheegeysaa in madaxweynaha iskaleh Chelsea Roman Abramovich uu doonayo weeraryahankiisii hore inuu caawiyo jiilka soo korayo ee ku jira xerada tababarka Chelsea isagoo u noqonaya macalin.

Bilyaneerka Russia ee Chelsea ayaa doonaya in kooxda galbeedka London ka dhisan ay soo saarato ciyaaryahano xirfad badan oo ay iyada leedahay si aysan suuqa lacago badan ugu bixin.

Fikirkan in Drogba lagu soo celiyo Chelsea waxaa ay wararka sheegayaan inuu ka dambeeyo tababaraha haatan ee Jose Mourinho.

Drogba ayaa Chelsea u dhaliyay rigoooradii ugu dambeysay ee Chelsea ay ku qaaday koobkeedii ugu horeeyay ee Champions league sanadkii 2012.


Contact US / NALA SOO XIRIIR