Somali News

Wasiirka Warfaafinta oo aad uga qiirooday Xaalada Wariye ku dhaawacmay Weerarkii Madaxtooyada

1 of 1 Wasiirka Warfaafinta oo aad uga qiirooday Xaalada Wariye ku dhaawacmay Weerarkii Madaxtooyada
478 Views Date February 24th, 2014 time 1:29 pm

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo kuxigeenkiisa C/llaahi Colaad Rooble ayaa maanta Isbitaalka Daaru-Shifaa ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku booqdeen Wariye Axmed Siciid Axmed oo dhawaan ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada.

Mustaf Dhuxulow iyo Xubno kale oo katirsan Wasaarada Warfaafinta, ayaa indhahooda kusoo arkay dhaawac uu qabo Wariye Axmed Siciid oo katirsan Idaacada Kulmiye oo ku dhaawacmay Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray Madaxatooyada .

Agaasimaha Isbitaalka Daaru-Shifaa Maxamed Cabaas Cismaan ayaa Wasiirka Warfaafinta iyo xubnaha lasocday uga warbixiyay Xaalada Wariyaha , waxa uuna sheegay in hada soo ha gaageyso xaaladiisa caafimaad dadaalna ugu jiraan daaweyntiisa.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo aad uga murugeesnaa xaalada Wariyaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay uguna damqanayo dhibka Soo gaaray wariye Axmed Siciid, Waxa uuna balanqaaday Wasiirka in Wasaaradiisa ay wax u qabandoonto wariyaha dhaawacan ,wuxuuna Alle uga baryay in uu bogsiiyo, dhaawaciisana u fududeeyo.









 


Contact US / NALA SOO XIRIIR