Somali News, Somali Video

Qurba joogta ku sugan Muqdisho oo qeylo dhaan laga keenay +Video

1 of 1 Qurba joogta ku sugan Muqdisho oo qeylo dhaan laga keenay +Video
1436 Views Date February 26th, 2014 time 1:41 pm

Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku soo noqoneysa magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay la yimaadeen hab dhaqan fool xun oo meel ka dhac iyo bahdilaad ku ah fanaaniinta iyo fanka Soomaaliyeed iyadoona ay arintaas cabasho weyn ay ka muujiyeen fanaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeed oo ayna ku tilmaameen mid aan la aqbali karin. 
Qurbajoogta ku soo noqtey magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay la yimaadeen hab dhaqan fool xun oo meel ka dhac

iyo bahdilaad ku ah fanaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeeed, Qurbajoogtaan Soomaalida oo dhaqankaas foosha xun kala yimid wadamada ay ku noolaayeen ayaa waxaa uu yahay inay codsadaan ama ay rabaan in loo heeso xilli ay wax cunayaan arintaas oo ay yaab ku tilmaameen abwaaniinta Soomaaliyeed, Abwaan Sugaal Cabdulle oo ka mid ah abwaanada ugu waa weyn dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inay la yaab ku noqtey dhaqankaan cusub ee ku soo kordhay fanka Soomaaliyeed asagoona sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin arintaas hadii ay sidaas ku sii socotana ay ka wanaagsanaan lahayd in gebi ahaanba la iska dhaafo fanka oo dhan.

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan la yaabka leh ee ay ku soo kordhiyeen fanka Soomaaliyeed qurba joogta ku soo noqotey dalka ay tahay mid ay ka caroodeen abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxaan la ogeyn sababta ay qurba joogta Soomaalida ah ay ula yimaadeen dhaqan gaaleedkaas dalka Soomaaliya maadaama aan dalkeena looga baran arimaha noocaas oo kale ah islamarkaana ay fanaaniinta iyo abwaanada Soomaaliyeed ay jecel yihiin in si qoto dheer loo dhagesto islamarkaana ay si toos ah ay ugu gudbiyaan fariintooda shacabka Soomaaliyeed iyadoona sida muuqata aysan arintaas ka suuroobi karin qof mashquulsan oo wax cunaayo oo dagaalna kula jiro cuntada ama raashinka horyaala 

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com


Contact US / NALA SOO XIRIIR