Somali News

maxaa ka jiro in mungaab loo magacaabay gudoomiyaha gobalka Banaadir

1 of 1 maxaa ka jiro in mungaab loo magacaabay gudoomiyaha gobalka Banaadir
775 Views Date February 27th, 2014 time 12:12 pm

Warar soo baxaya Saacadihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho xilkii si rasmi ah looga qaaday loona Magacaabay xilkaasi Jen. Xasan Maxamed Xuseen Mungaab.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday Tarsan laguna Magacaabay Jen. Muungaab , Wareegta ayaana si rasmi ah loo shaacin waxaana la filayaa in waqtiyada soo aadan la shaaciyo.

Warar laga helayo Xarunta Madxayooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Muungaab farta laga saaray Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha oo lagu Magacaabay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin wareegtadaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay beeshiisa kala kulmayay cadaadis ku aadan in Nin kasoo jeeda Beesha Abgaal gaar ahaan Jen Muungab u magacaabo Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo wada jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale iska indha tiray dalabyo kasoo baxayay qaar kamid ah beelaha Daga Gobolka Banaadir kaa oo ku aadanaa in la kala qaado Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Jen. Xasan Maxamed Xuseen oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ayaa ugu dambeyn la sheegay in uu ku guuleestay loolan iyo hardan uu ugu jiray in loo Magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Waxii Faah Faahino intaas dheer kala soco Wararkayaga Danbe Insha Allah.


Contact US / NALA SOO XIRIIR