Somali News

Qoys Balcad ku nool oo Dhacdo argagax leh ay qabsatay

1 of 1 Qoys Balcad ku nool oo Dhacdo argagax leh ay qabsatay
440 Views Date March 1st, 2014 time 12:59 pm

Wararka laga helayo Deegaanka Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Dhowr Ruux oo ka tirsan Hal Qoys oo halkaas ku nool ay Dhimasho iyo Dhaawac kala kulmeen Nin isla Qoyska ka mid ah oo Dadkaas soo weeraray.

Arrintan oo Dadka Deegaankoo idil ay ka wada argagaxeen ayaa loo sababeeyay Ninka Falka ku kacay oo ahaa Ruux Miyirka la’, wuxuuna dilay Gabar Walaashiis ah, isagoo Dhaawacay Hooyadiis iyo Islaan Ayeeyadiis ah.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Ninka Miyirka beelay uu Falkan dhibaateynta ah ku fuliyay Tooreey, waxaana markii dambe ay Ciidamada Deegaanku ku guuleysteen inay qabtaan Ninka Dhiigga daadiyay.

Dhibanayaasha Dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa loolasoo cararay Isbitalka Keydsaney ee Duleedka Muqdisho ku yaala, halkaas oo lagu dawaynayo.

Ma jiro War faah faahsan oo Maamulka Deegaanka iyo Ehelada Dadka la waxyeeleybayba ay ka yiraahdeen Falkan uu Ninka Waalani ku kacay, hase yeeshee Dadka ayaa iyagoo aad uga xun arrintan waxay Hadal hayaan Dhacdada.


Contact US / NALA SOO XIRIIR