Somali News

Daawo Sawirada ” Kooxo Midiyo ku Huubeesan oo dad badan ku laayay Xarun tareenada laga raaco oo kutaala Dalka…

1 of 1 Daawo Sawirada ” Kooxo Midiyo ku Huubeesan oo dad badan ku laayay Xarun tareenada laga raaco oo kutaala Dalka…
505 Views Date March 2nd, 2014 time 7:25 am

middi_9Ugu yaraan 33-qof ayaa ku dhimatay in kabadan 130-kalana wey ku dhaawacmay kadib markii Kooxo aan wali heebtooda la garan oo ku hubeesnaa Midiyo ay weerareen goob tareenka laga raaco oo kutaala Gobolka Yunnan ee Dalka Shiinaha.

Wakaalada wararka ee Xinhua ee laga leeyahay Dalka Shiinaha ayaa tabisay in kooxo Midiyo ama Toorey ku hubeesnaa ay weerareen goob tareenada laga raacooo kutaala Magaalada Kunming halkaasna ay ku laayeen dad badan oo rayid ahaa.

Kooxaha weerarka geestay ayaa xirnaa dhar mad madow ah waxa ayna saf kala mareen midiyihii ay wateen dad badan oo kusugnaa xarun tareenka laga raaco, halkaas ay ku dileen dad aad u badan , tira kalana ay dhaawaceen .

Xarunta Tareenka laga raaco ayaa mar qura isku badashay meel ay dhiig badan dureeraan ayna yaalaan dad badan oo dhintay iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay weerarka ay geesteen ragan Midiyaha ku hubeesnaa.

Ciidamada amaanka Dowlada Shiinaha ayaa dilay 4-kamid ah ragii weerarka geestay , waxa ayna saraakiil dhinaca amaanka u hadashay sheegeen in ay ku raad joogaan rag kale oo lala xariiriyay weerarka ka dhacay Xarunta Tareenka laga raaco ee kutaala Magaalada Kunming ee Gobolka Yunnan .













 


Contact US / NALA SOO XIRIIR